27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Askarigii ka danbeeyay dilka Wasiir Cabaas Siraaji oo xukun lagu riday maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Federaalka Somalia ayaa xukun dil ah ku riday Askarigii ka danbeeyay dilka Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Somalia Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Xukunka dilka ah ee Maxkamada ciidamada Qalabka sida ku riday gacan ku dhiigle Axmed C/laahi Ceydiid ayaa ka dambeeyey markii uu racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horey ugu ridday maxakamadda darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Somalia Liibaan Cali Yarow, oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay cadeymaha iyo qoraalka maxkamadda la hor keenay, markii ay dhageysatay qoraalka eedeysanaha maxkamadda horteeda uu ka jeediyay in xukunka Axmed C/laahi Cabdi uu noqday dil toogasho ah.

Gacan ku dhiigle Axmed C/laahi Cabdi Caydiid ayaa hadda wuxuu yahay dil, maadaama maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida xukun dil ah ay ku riday.

Si kastaba ha ahaatee, Dilk Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Somalia Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa dhacay 03-dii Bishii May ee sanadkaan xili uu hormaraayay afafka hore ee xarunta Villa Somalia.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News