25.4 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Axmed Daaci oo dil ka badbaaday iyo dhaawac…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada wada jir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday gaari uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada wada jir, Axmed xasan Cadow ”Axmed Daaci”.

Weerarka lagu qaaday Axmed Daaci ayaa ka dhacay Suuqa-weyn ee Degmada wada jir, iyadoona weerarkaasi uu dhaawac kasoo gaaray darawalka khaaska ah ee Axmed Daaci.

Axmed Daaci oo weerarkaasi laga wareystay ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in weerarkaasi lagu dilo, balse uu ka badbaaday.

Axmed Daaci waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid uu ka danbeeyay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada wada jir, waxa uuna cadeeyay in gaariga weerarka geystay uu ahaa mid xiligaasi kasoo baxay Xarunta Degmada.

Maamulka Degmada kama aysan hadal hadalka kasoo yeeray Axmed Daaci ee ahaa in weerarkaasi lagu doonaayay in lagu kharijiyo, islamarkaana uu abaabulay Gudoomiye ku-xigeenka Degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News