27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro & Codad: DF, Axmed Madoobe iyo xubno ku shiray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa galabta ka dhacay kulan ballaaran, oo looga hadlaayay heshiiskii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Kulanka, waxaa joogay, Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe, ku-xigeenkiisa Gen Ismaacil Cabdulaahi Fartaag, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaanno iyo taageerayaasha Axmed Madoobe.

Kulanka waxaa ugu horeyn ka hadlay Gen Fartaag, kaasoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku joogaan Muqdisho, wuxuu kaloo sheegay in dhammaan wixii khilaaf ah oo ka jiray Jubbooyinka iyo Gedo in heshiis laga gaaray.

Wuxuu ballan qaaday Fartaag in maamulka kumeel gaarka ee Jubba lagu soo dari doonaa dhinacyada ka soo horjeeda.

Intaas kaddib waxaa hadalka lagu wareejiyay Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in shirka maanta ka dhacay Muqdisho, mid la mid lagu qaban doono Kismaayo.

“Sida aan shirkan maanta uga soo qaybgalnay ayaan ballan qaadeenaa shir kale oo ka dhacaya gurigeena” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu Axmed Madoobe in maalmihii uu joogay Muqdisho uu la kulmay dhammaan wax-garadka iyo odayaasha ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeen waxaa goobta ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, kaasoo sheegay in uu soo dhaweenaayo heshiiska ay gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka tanaasuleen qoddobo ay  isku hayeen intii shirka uu socday, wuxuu kaloo sheegay in dhowrkii cisho ee uu Axmed Madoobe joogay Muqdisho uu la kulamay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.

Halka ka dhageyso hadalladii Axmed Madoobe, Fartaag iyo Ciil Mooge

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News