25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

A/Madoobe oo Alle ka cabsi ugu baaqay XASAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa fariin u diray hogaanka Soomaaliyeed ee ku shiraya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka hadlaya doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan.

Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay iney si daacad ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee doonaya isbadal iyo mustaqbal wanaagsan oo Soomaaliya ay yeelato.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed mar walbaa ay rajeeyaan mustaqbal wanaagsan oo ifiya oo Soomaaliya ay hesho, isaga oo ku baaqay in laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in looga baahan yahay madaxda Soomaaliyeed iney si daacad ah u wada shaqeeyaan ayna wadajir kaga shaqeeyaan danaha ummada Soomaaliyeed.

Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho ayuu sheegay in looga hadlayo danaha Soomaaliyeed iyo doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News