25 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Axmed Madoobe oo dhaq-dhaqaaq culus ka billaabay Kismaayo + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Jimcihii dib ugu laabtay gudaha degmada Kismaayo ayaa isla markiiba magaaladaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaaseed oo culus.

Axmed Madoobe ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Jubbaland, isaga oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulka iyo tan guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadda dalka iyo doorka odayaasha dhaqanku ku leeyihiin xasiloonida iyo horumarinta bulshada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubbland.

Kulankan ayaa qayb ka ah wada-tashiyo uu haatan bilaabayo Axmed Madoobe oo la xiriira wada-hadalka uu kula jiro Dawladda Federaalka, maadaama aad loo hadal hayo isku soo dhawaasho labada dhinac ah iyo inuu Madaxweyne Xasan qorsheynayo tagista Kismaayo, inkastoo weli ay jiraan caqabado ku hor dadban safarkiisa oo la xiriira khilaafka labada nin.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo Axmed Madoobe oo uu wehlinayo Madaxweyne maamulka Puntland Saciid Deni iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta  Soomaaliyeed ay todobaadkii hore go’aanno culus ku gaareen magaalada Nairobi, iyaga oo go’aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

1- In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

2- In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

3- In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

4- In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.

5- In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasilloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News