Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan maamulkiisa u xil saaray ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Wareegto ka soo baxday xafiiskii maanta oo Khamiis ah ayuu ku amray in 200 oo askari oo ka tirsan guutada 94-aad ee ciidanka maamulkiisa ay si KMG ah ula wareegaan ammaanka magaalo xeebeedka Jubbada Hoose ee Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan ciidanka ay ka baxaan magaalada, oo ay tagaan goobo uu sheegay in loo cayimay.
Wuxuu ku amray ciidanka uu u xil saaray ammaanka magaalada inay ka fogaadaan fara-galinta goobaha ganacsiga iyo hantida shacabka iyo dhibaato u geestaan shacabka.
Axmed Madoobe ayaa ka digay in ciddii jabisa amarka lagu qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, loona aqoonsan doono inay ka soo hor-jeeddo ammaanka deegaanka.
Dhinaca kale, waxaa la filayaa maalmaha soo socda in uu Axmed Madoobe ku dhawaaqo golaha wasiiradda maamulkiisa, oo hadda meel gabhabo u mareyso wadatashiga uu la lee yahay waxgaradka iyo dadka Jubbooyinka.
Magaalada waxaa laga dareemayaa ciidamo gaar ah iyo ergooyinka doonaya in ay ka qaybgalaan dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com