Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa u muuqda in uusan wali fulin qodobo kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay markii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid aheyd in la fur furo dhaq dhaqaaqa Siyaasadeed ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose, in musharaxiinta la siiyo fursad ay ku soo bandhigaan dhoolotus siyaasadeed, sida banaanbaxyo iyo soo dhowayn musharaxiinta loo sameeyo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu aqbalay qodobadii lagu heshiiyay oo ay kamid aheyd in aan la joojin dhaq dhaqaaqa musharaxiinta, balse shalay dadka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa loo diiday in ay banaanbax soo dhowayn ah u dhigaan musharax Madaxweyne oo Kismaayo gaaray.
Ciidamada amniga ayaa kala eryay tobaneeyo dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed oo katirsan Musharaxiinta magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose kuwaas oo doonaya kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee sanadkaan 2019.
Caasimada Online ma oga xiliga uu dhaqan galayo heshiiska labada dhinac balse waxay dadkii goob joog ahaa heshiiskii labada dhinac u xaqiijiyeen in Axmed Madoobe ay u muuqato in uusan wali dhaqan gelin qodobadii lagu hesheeyay mar hadii ay wali caburinta musharaxiinta ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]