Axmed Madoobe oo ka carrooday magac ay ugu yeeraan dowladda Somalia iyo beesha caalamka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbalad Axmed Islaan Madoobe ayaa sheegay in dhaqanka dowladda federaalka iyo beesha caalamka ee ku aadan Jubbaland aanu aheyn  mid la aqbali karo.

Axmed Madoobe waxaa uu wakiilka xogheyaha guud ee qaramada midoobey u sheegay  in aanay saxiixi doonin warqad dambe oo ay ku qoran tahay KMG, lakin waxaa uu ku daray in uu diyaar u yahay in wixii dhiman laga wada hadlo.

Xafiiska UN-ka ee Kismaayo ma helno adeegyada aan uga baahanno, sida diyaarado iyo arrimo kale, waxaa uu is weydiiyay sababta loola simi la’yahay gobolada kale iyo in ay sugayaan jawaan arinkaas ku aadan.

Waxaa uu u mahadceliyay wadamada Yurub sida Ingiriiska, Denmark, Sweden, Italy kuwaas oo si weyn u caawiyay Jubbaland.

Waxaa uu sidoo kale waxaa uu u mahaceliyay AMISOM iyo midowga Afrika iyo wadamada caawiya, isagoo uga tacsiyeeyay ciidamadii ka dhintay sida kuwii Kenya uga dhintay Ceel-Cadde.

Madoobe waxaa uu barabagando ku tilmaamay duqeyn laga sheegayo arrinta Gedo isagoo meesha ka saaray in Kenya ay halkaas duqeyn ka waddo.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madoobe ku dhawaaqay in ay Jubbaland aqbashay go’aankii madasha ee nooca doorashada 2016-ka ee Muqdishu lagu gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com