Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashada iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladnimada Soomaaliya ay ku socoto jid halis ah, isaga oo ku eedeeyey madaxda dowlada dhexe in ay burburinayaan nidaamkii iyo kala dambeyntii lagu wada joogay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xiisadda maamulkiisa kala dhexeyso kooxda Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay haddii aan gacmaha la qaban madaxweyne Xassan Sheekh, ay dhici karto in Puntland iyo Jubbaland ay isku tashanayaan, isla markaana ay gaari doonaan go’aanno ay u madax banaan yihiin.
Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in doorasho ay ku qaban doonaan Kismaayo, haddii Villa Somalia ay qaban wayso shirka ay ku baaqeen, si loo wada-hadlo, kadibna xal loo gaaro.
“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh waqtiga Madasha Mustaqbalka ku baaqday dowladdu shir ku qaban waayoo oo doorashada la isla ogolaan waayo anaga doorasho ayaan qabaneynaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, isaga oo sheegay in halka ay ka raadiyeen ictiraafka uusan ka jirin, wuxuuna ugu baaqay inay usoo laabtaan walaalahooda Soomaaliyeed.
“Somaliland waxaan leeyahay meeshaad wax ka doonateen idin kama jiraanee ha dhuminina ee soo laabta Soomaalinimo wax ka weyn ma jiraan” ayuu raaciyay.
Jubbaland ayaa muddo ka aamusneyd mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taas oo si weyn loogu dhaliilay iyada iyo Puntland oo uu haatan khilaaf siyaasadeed oo xoogleh uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

