25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Axmed Madoobe oo ku jees-jeesay xisbiga uu dhisayo Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo ee dhismihiisu uu socdo, isagoo wax lala yaalbo ku tilmaamay, sida uu u dhaqmaayo Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhaqanka madaxda dowlad goboleedyada ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle uu soo xusuusinayo ‘xisbigii Hanti-wadaagga, Kacaanka Soomaaliyeed.’

“Dowladii Kacaanka waxay aheyd dowlad xoog badan, madaxweynihii iyo dhamaan madaxdii kale ayaa galay xisbigii Kacaanka, waxaa jiray golihii sare, waayaabe maanta waxaasi intey ka jiraan, dowladaan halkey ka talisaa? Xisbiga maanta la dhisayo halkee ka talinayaa?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray jiritaanka Golaha Wadatashiga Qaranka, isagoo yiri “War miiska wada-hadlka hala isugu yimaado, wax NCC la yiraahdo ma jiraan, inta ka maqana waa la ogyahay, Soomaali ha isku imaato, ha tashato oo shirweyne hala iskugu yimaado.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xitaa dhismihii xisbiga ay isku heystaan, “Anigaa hoggaaminaya iyo noo qeybi loo joojin maayee ayey isku heystaan, halkey taallaa dowladnimada maanta xisbiga loo sameysanayo? Wiilasha hadda jooga ee wasiirrada ah lama socdaan wixii lasoo maray,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in barnaamijkaan uu dhulka iska dhigo, “Madaxweynow wixii soconayaa dadka loo sheegaa, Soomaaliya kalama xoog badna, ma aragteen intii  Soomaali is dileysay qabiil laga adkaaday?” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in Jubbaland ay diyaar u tahay hadii la isugu imaanayo gogol ay ku wadahadleyso umadda Soomaaliyeed, isagoo beesha caalamka iyo siyaasiyiinta ugu baaqay in Xasan Sheekh ay gacnaha qabtaan inta dhiig kale uusan daadin oo talada dhulka la dhigo.

“Nasiib darrada Xasan Sheekh heysata waxaad ka arkeysaan in aysan is laheyn waxa uu ka shaqeynayo iyo waxa uu dadka u sheegayo, war madaxweynow dib isku dhageyso, haku qaatumo seegin tan ee talada dhulka dhig, isku keen dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News