28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Axmed Madobe oo kulamo xiriir ah ka wada Kismaayo + Ujeedka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa ka socda kulamo uu la qaadanayo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sida ay lee yihiin ilo ku dhowdhow maamulka Axmed Madoobe, kulamadan oo shaley iyo xaley socday ayaa looga hadlayaa siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka.

Magaalada waxaa laga dareemayaa guux iyo qaban qaabada dhismaha maamulka Axmed Madoobe, waxaa magaalada soo gaaray ergo dooneysa in ay qayb ka noqdaan maamulka.

Ammaanka magaalada gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee maamulka iyo Jaamacadda Kismaayo ayaa la adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo badan oo baaraya dadka iyo gawaarida.

Isku soo duub maamulka Axmed Madoobe ayaa hadda waxaa ka dhisan isaga iyo ku xigeenkiisa Gen Fartaag, balse maamulka sida qorshaha uu yahay waxaa la doonayaa in uu yeesho golle fulin (Wasiiro) iyo golle sharci dajin (aqalka Baarlamaanka).

Axmed Madoobe oo labo cisho ka hor dib ugu laabtay Kismaayo ayaa sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News