27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Axmed Madoobe oo maanta guddoomiyay shir culus oo ka dhan ah DF + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalin kahor ku laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa isa markiiba bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo ka dhan ah dowladda dhexe.

Axmed Madoobe oo uu haatan khilaaf xooggan kala dhexeeyo Madaxweyne Xasan ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubaland, kaas oo diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee taagan.

Inta uu socday kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyay aragtida Jubaland ee la xiriirta dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka 2026, iyada oo qoraal kasoo baxay shirka lagu sheegay qaabka ay hadda wax u socdaan aanay ka tarjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay hal dhinac wax ku socdaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo golihiisa wasiirada ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la qabto shirweyne qaran oo loo dhan yahay, si loo gaari xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Golahu Wuxuu isku raacay in go’aamada masiiriga ah ee dalka aan lagu gaari karin hannaan cid gaar ahi hagayso, balse ay lagama maarmaan tahay in lagu gaaro shirweyne Qaran oo loo dhan yahay, si loo dhiso jihada siyaasadeed ee dalka kuna salaysnaato heshiis guud iyo kalsooni wadajir ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday farogelin ay Jubaland sheegtay in dowladda federaalka ay ka waddo Gobolka Gedo, iyada oo laga digay khatar ka imaan karta halkaasi, taas oo waxyeeleyn karta nabadgelyada, wadajirka bulshada iyo xasilloonida deegaanka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Jubaland ayaa isla gartay in la dardar-geliyo hirgelinta hannaan casri ah oo lagu xaqiijinayo dabagal, isla xisaabtan, iyo korjoogteyn joogto ah oo ku saabsan mashaariicda dowladda, si loo hubiyo in mashaariicdu u dhacaan si hufan, loogana dhaxlo natiijooyin muuqda oo wax ku ool u ah shacabka.

Jubaland ayaa waxaa haatan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyaa Villa Soomaaliya, kaas oo bannaanka usoo baxay kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay ku gacan seertay dowladda federaalka, waxaana kadib meesha ka baxay wada shaqeyntii labada dhinac.

Tallaabada ay haatan qaaday Jubaland ayaa kusoo aadeyso, xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh, kuwaas oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka dalka, waxaana haatan loo ballansan yahay wada-hadallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo dhab, si wadajir loogu wajaho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News