25.4 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo culus oo uu gobolka GEDO uga difaacanayo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Cismaan Nuux Xaaji oo loo yaqaan Macalimuu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Gedo.

Macalimuu oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayaa muddo dheer ka shaqeynayey gobolka Gedo, wuxuuna qayb ka ahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka taagan.

Axmed Madoobe ayaa weli gacanta ku haya xubno deegaankaas ka soo jeeda oo daacad u ah xukunkiisa, inkasta oo inta badan bulshada gobolka Gedo ay diideen maamulkiisa, isla markaana ay la safteen dowladda federaalka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka jira gobolka Gedo, si uu ula loolamo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, sida ay tilmaamayaan qorshayaasha madaxda dowladda dhexe.

Haatan, gobolka Gedo waxaa dowladda federaalka ugu sarreeya Cabdirashiid Janan, oo dagaal ciidamada Jubbaland kaga adkaadeen kadib markii uu ku sugnaa Beledxaawo – magaaladaas oo uu weli joogo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere waxaa si toos ah u maamusha dowladda federaalka, halka Doolow ay weli joogaan xubno ka tirsan Jubbaland oo taabacsan Axmed Madoobe.

Xubnaha Jubbaland ee Doolow ku sugan waxaa kamid ah Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Maxamuud Sayid Aadan, waxaana la aaminsan yahay in ay awood ahaan ku tiirsan yihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo horey uga adkaaday ciidan kooban oo NISA u joogay magaalada.

Lama hubo waxa ay magacaabista Macalimuu ka beddeli karto xiisadda gobolka Gedo ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, hase yeeshee waa siyaasi saameyn iyo xiriir ballaaran ku leh bulshada gobolka.

Qaar kamid ah dadka reer Gedo ayaa aaminsan in Macalimuu uusan awood iyo saamayn ka hooseyn Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka u dirtay in Jubbaland laga xoreeyo gobolkaas. Waxaa xitaa suuragal ah in labada nin ay si toos ah isugu dhabtaan, maadaama ay kala hoggaaminayaan dhinacyada isku haya gobolka – dowladda dhexe iyo Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News