Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Thomas Chepkuto.

Axmed Madoobe ayaa danjire Maj. Gen. Thomas Chepkuto saddex arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dib u furista xuduudaha labada waddan, arrimaha dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka Shabaab.

Arrimaha muhiimka ee ay isla meel dhigeen labada mas’uul ayaa waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa howlgallada ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ATMIS.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay kulan dhex-maray  madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka dowladda Kenya, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay furista xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ahmiyad wayn u leh Shacabka labada dal ee dhinacyada socdaalka, isdhaafsiga badeecooyinka iyo hormarinta dhaqaalaha labada wadan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Inta uu kulan ku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arimaha amniga iyo howlgalada ay Jubaland ka wado qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubaland kuwaas oo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah”.

Kenya ayaa xiriir wanaagsan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan qorshuhu yahay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo koonfurta Soomaaliya, kaas oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dalalka dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.