29.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Axmed Madoobe oo sheegtay in uu DF uga hormaray….

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku faanay horumar uu sheegay in ay gaartay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubaland (JISA).

Madoobe ayaa sheegay in sirdoonka Jubaland uu haatan ka awood iyo horumarsan yahay kan NISA, isagoo gaarsiiyay heerka “hay’adda ugu xog ogaalka badan ee amniga Geeska Afrika.”

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay lagu daah-furayay xarunta dhexe ee cusub ee JISA, oo si casri ah loo dhisay, laguna tilmaamay “mid ka mid ah xarumaha sirdoonka ee ugu horumarsan dalka.”

“Hay’adda sirdoonka Jubaland maanta waa tii ugu aqoonta iyo xogta badneyd ee Geeska Afrika. Xitaa dowladda federaalka iyadaa uga horreysa.,” ayuu yiri Madoobe.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in JISA ay gaartay heer sare oo xirfadeed iyo awood farsamo oo lagu kalsoonaan karo, taasoo uu ku sheegay natiijo ka dhalatay dedaal iyo maalgelin uu isagu hormuud ka ahaa tan iyo markii la aasaasay hay’adda sanadkii 2013-kii.

Xarunta cusub ee la furay ayaa la sheegay in lagu qalabeeyay tiknoolojiyad casri ah oo awood u siinaysa JISA inay si deg-deg ah u ururiso, u falanqeyso, uguna jawaabto xogaha amniga ee gobolka. Waxaa sidoo kale halkaas ka shaqeynaya saraakiil si gaar ah loo tababaray.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo is-mariwaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Axmed Madoobe ayaa horey ugu dhaliilay dowladda federaalka in ay carqaladeysay wada shaqeynta amniga, isagoo ku dooday in taasi sababtay in Jubaland si buuxda u madax-bannaaneyso hay’addeeda sirdoonka iyo nabad-sugidda.

- Advertisement -

Read more

Local News