Axmed Madoobe oo si dhiiranaan leh u diiday arrin ay caado ka dhigatay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka digay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay xilal iyo shaqo abuur u sameyso dadka qurba joogta ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu aad uga soo horjeedo in xilal iyo shaqo abuur loo sameeyo dadkaasi oo uu sheegay inaanu waxba kala socon xaalada uu dalka ku jiro.

Waxa uu sheegay in DFS aysan marnaba ka aqbali doonin inay dhalinyaro kala imaado dalka dibadiisa, iyadoo kumanaan aqoonyahaano la socda wadciga dalka ay ku sugan yihiin gudaha iyo gobolada dalka.

Waxa uu Axmed Madoobe tilmaamay xitaa inaanu isku kharash aheyn dadka dibadda laga keeno iyo kuwa gudaha laga dhex xulo, waxa uuna cadeeyay in DFS ay u fadli fiican tahay kuwa gudaha.

Isagoo arrinkaa ka hadlaayay ayuu yiri ”maanta hadii nolosha laga bilaabo lacag aad u farbadan,islamarkaana Shaqaalaha la qaadanayo laga keeno dalka Dibaddiisa, halkee ayay nolol ka imaaneysaa, war waxaan leeyahay dowladda iyo Hay’addaha Samafalka dadka dalkaan ku nool hala Shaqaaleysiiyo iyagaa xogogaal ah”

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa DFS ugu baaqay inay isbarbar dhig ku sameyso Shaqsiyaadka ay xilalka u dhiibatay kuwooda ka imaaday dibadda iyo kuwa laga soo dhex xulay dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mudnaanta koowaad ay yeelan doonaan kuwa aan dalka ka bixin ee ka shaqeeya dowlada.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili DFS ay shaqooyinkeeda ugu badan u dhiibatay shaqsiyaad inta badan noloshooda ka maqnaa dalka oo aan si dhow ula socon xaalada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com