24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Axmed Madoobe oo soo jeediyay tallaabo dalka ‘looga badbaadin’ karo madaxda DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay walaac uga muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo taageeray baaqyadii ka soo baxay Madasha Samatabixinta iyo shacabka, aadna u dhaliilay dowladda federaalka.

Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka weecatay dhammaan ajandeyaashii muhiimka ahaa, sida dagaalka Khawaarijta iyo ilaalinta midnimada dalka.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa xoojisay dadaallada lagu doonayo wadatashi qaran,  “Jubaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland:

Dowladda Jubaland waxay u aragtaa in xaaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ay lagama maarmaan ka dhigeyso wadatashi qaran iyo in si dhab ah diiradda loo saaro arrimaha mudnaanta leh, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka weecatay dhammaan ajandeyaashii muhiimka ahaa, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland waxay soo dhaweynaysaa baaqyada ka imanaya dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan in wadatashi guud laga yeesho jihada uu dalku ku socdo.

Sidoo kale, Jubaland waxay si buuxda u taageeraysaa baaqii ka soo baxay Madasha Samatabixinta Dalka, ee ku saabsanaa marxaladda adag ee uu dalku maanta ku jiro.

Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ay ku guuldarreysatay hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogto ah ugu mashquulsan tahay dano siyaasadeed oo gaaban oo sii fogeeyay kalsoonidii shacabka.

Sidaas darteed, Jubaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dowladda Jubaland waxay ugu yeeraysaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan midnimada iyo badbaadada dalka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ay hoggaan u yihiin shacabka, laguna dhisayo.

                        

- Advertisement -

Read more

Local News