25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Axmed Madoobe oo u dhaqaaqay diyaar-garowga doorashada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa intii uu kulanka socday soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaar-garowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay.

Axmed Madoobe ayaa ku booriyay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladeed ee arrintaan khuseyso in ay dardar-geliyaan u diyaar-garowga, si doorashooyinka golayaasha deegaanka loogu qabto waqtigooda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa shirka golaha ku soo bandhigtay siyaasadda dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska.

Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.

Sidoo kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka siyaasadda ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Si kastaba, go’aanka Jubaland ee diyaar-garowga doorashada golaha deegaanka ayaa imanaya xilli maalmaha soo aadan la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Safarkan labaad ee Xasan uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay inuu heshiis ka keeno, hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe laba sano oo muddo xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Madoobe dhammaysan doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama hadda ay goor horeba u dhammaatay sanad. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News