25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Azerbaijan oo dhaqan-galiyey heshiiskii DIFAACA ee Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa Isniintii si rasmi ah u ansixiyay heshiis muhiim ah oo iskaashi ah oo dhexmaray dowladda Azerbaijan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya muhiimadda sii kordheysa ee xiriirka labada dal, wuxuuna xoojinayaa iskaashi dhow oo ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

Qoraalka rasmiga ah ee heshiiskan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya wada shaqeynta dhanka difaaca iyo warshadaha milateriga. Waa heshiis muujinaya tallaabo istiraatiji ah oo labada dhinac ah, kaas oo kor u qaadaya xiriirka milateri, una gogol xaaraya iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.

Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa ka dhacday magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, 12-kii Febraayo 2025. Halkaas oo ay isugu yimaadeen madax sare oo ka kala socday labada dal, kuna muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Labada dowladood ayaa caddeeyay diyaar garowgooda ku aaddan xoojinta xiriirka milateri, iyagoo si gaar ah u xusay tababarada iyo qalabeynta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa kor u qaadeysa dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa Soomaaliya u oggolaanaya in ay ka faa’iideysato waayo-aragnimada iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee milateri ee Azerbaijan. Dhinaca kale, Azerbaijan ayaa fursad u helaysa inay xiriir istiraatiji ah ka yeesho gobolka geeska Afrika, taasoo ka dhigan fursado cusub oo ganacsi iyo saaxiibtinimo siyaasadeed.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto horumarinta awoodda ciidanka qalabka sida iyo ilaalinta amniga qaranka. Heshiiskan ayaa noqon karaa mid gacan ka geysta himilooyinka amni iyo horumar ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale sii adkaynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News