Muqdisho (Caasimada Online) — Kadib markii dhowaan la jabsaday xogta nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya (e-visa), waxaa baraha bulshada iyo mareegaha qaar qabsaday war la yaab leh oo dhahaya: “60 sarkaal oo sirdoon shisheeye ah ayaa hal mar dalka isaga cararay 24 saac gudahood.”
Warkaasi wuxuu u muuqdaa mid xiiso leh oo sida filimada oo kale ah. Balse xaqiiqdu waxay tahay inuu yahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Horta aan kala saarno runta iyo beenta.
Waa run in nidaamka e-visa la jabsaday, waana arrin dhab ah oo halis ah. Tobannaan kun oo codsade ayaa laga yaabaa in xogtooda shakhsiga ah ay bannaanka timid. Dowladaha shisheeye qaarkoodna waxay muwaadiniintooda kula taliyeen inay taxaddar muujiyaan inta nidaamka amnigiisa la sugayo.
Dhibaatadu waxay ka billaabataa markii xaqiiqooyinkaas lagu daro sheeko u eeg filimada Hollywood-ka. Warka sida aadka ah u faafay wuxuu ku adkaysanayaa in tirada rasmiga ah ee “khubarada sirdoonka shisheeye” ee Soomaaliya joogay ay ahayd 60, dhammaantoodna ay hal maalin dalka isaga wada bexeen. Marka aad is-waydiiso “sidee lagu ogaaday tiradan?”, halkaas ayay sheekadu ku bur-buraysaa.
Hawlgallada sirdoonka ee qarsoodiga ah
Sida la ogsoon yahay, arrimaha sirdoonku waa sir culus. Si loo sheego tiro sugan sida “60 wakiil,” wariyuhu wuxuu u baahan yahay inuu gacanta ku hayo liis dhammaystiran oo ku saabsan dhammaan saraakiisha shisheeye ee sida qarsoodiga ah uga hawlgala Soomaaliya iyo xogta dhaq-dhaqaaqooda.
Ma jirto dowlad la wadaagta warbaahinta maxalliga ah ama tan caalamiga ah xogta noocaas ah. Xitaa safaaradaha dhexdooda, diblomaasiyiin badan ayaan hubin cidda si rasmi ah uga tirsan sirdoonka iyo cidda kale.
Marka ay noqota Soomaaliya, arrintani way ka sii caddahay. Warbaahinta Somalia Today waxay la xiriirtay ilo wareedyo sarsare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Dhammaan saddexdaas dhinac waxay warkaas ku tilmaameen mid been abuur ah.
Waxay sidoo kale xoojiyeen in, marka laga reebo tiro yar oo tababarayaal iyo xiriiriyeyaal shisheeye ah oo si furan ula shaqeeya NISA, hay’adaha dowladda Soomaaliya aysan haynin liis faahfaahsan oo lagu kala saarayo ajaanibta dalka joogta cidda sirdoonka ah iyo cidda kale.
Sida uu sarkaal sare u sheegay Somalia Today: “Haddii aannan annaguba liiskaas haynin, waa wax aan macquul ahayn in suxufi uu hayo.”
Caqliga iyo waqtiga oo is-diidan
Waxaa sidoo kale meesha ku jirta su’aal ku saabsan qaabka iyo waqtiga warku u dhignaa. Nidaamka e-visa waa mid cusub; dowladda ayaa daahfurtay 1-dii bishii Sebteembar, saraakiishuna waxay xaqiijiyeen in jabsiga uu dhacay laba bil kadib.
Si sheegashadani u noqoto mid run ah, waxaa qasab ah in 60 sarkaal oo sirdoon ah ay Soomaaliya soo wada galeen muddadaas kooban, iyagoo dhammaantood isticmaalaya isla nidaamkaas cusub, kadibna ay dhammaantood hal mar wada baxsadeen 24 saac gudahood.
Xitaa haddii aan ka soo qaadno in ay run tahay in muddadaas dalka soo galeen 60 basaas, Si loo xaqiijiyo tiro intaas le’eg, waa in la waco safaarad kasta oo shisheeye lana weydiiyo: “Imisa basaas ayaa dalka idin soo gashay laba bil gudahood, imisa ayaase idinka baxday maanta? Ama si kale, in qof ku sugan safaarad walba uu weriyaha soo raadiyo una gudbiyo xogtaas.
Si tirada “60-ka” ah u noqoto mid sax ah, dowlad kasta waa inay sidoo kale qirato inay basaasiin ku leedahay Soomaaliya, kadibna ay wadaagto faahfaahinta bixitaankooda. Arrintaasi weligeed kama dhicin Soomaaliya, wax u dhowina kama dhicin taariikhda sirdoonka casriga ah ee dunida.
Fikirka ah in jabsigu uu “kashifay” 60 basaas ayaa sidoo kale si khaldan u fahmaya sida fiisooyinku u shaqeeyaan. Nidaamyada e-visa waxay diiwaan-geliyaan xogta ay dadku soo qortaan sida magaca, lambarka baasaboorka, iyo xirfad guud sida “diblomaasi”, “la-taliye”, ama “shaqaale hay’ad samafal” (NGO).
Ma jiro meel foomka fiisaha ka mid ah oo lagu qoro “Sarkaal Sirdoon.” Ama qof jaajuus ah oo si mutadawacnimo ah isaga isku sheegaya waxa uu yahay. Marka, haddii la eego xogta fiisaha oo kaliya, waa wax aan macquul ahayn in la kala saaro cidda basaaska ah iyo cidda kale. In la yiraahdo “waa 60 basaas” waxay ka dhigan tahay in lagu billaabay qiyaas, laguna soo afjaray cinwaanno warar oo aan jirin.
Dhaqanka lagu tilmaamay sheekada faaftay wuxuu ka horimanayaa sida hay’adaha sirdoonka ee dhabta ah ay u dhaqmaan marka xogtooda la helo. Haddii ay ka cabsanayaan in aqoonsigooda la ogaaday, waxay samayn lahaayeen isbeddel qarsoodi ah, iyagoo si tartiib ah u beddelaya shaqaalaha sirtooda la helay iyo qaabka ay u shaqeeyaan.
Bixitaan wadareed muuqda oo hal maalin ah oo ay sameeyaan “60 wakiil” ayaa tilmaami lahaa cidda muhiimka ah. Tallaabadaasi waxay noqon lahayd mid lid ku ah amniga iyo xirfadda sirdoonka.
Xaqiiqooyinka rasmiga ah
Sidoo kale waa muhiim in la kala saaro waxa la xaqiijiyay iyo waxa aan la xaqiijin. Dowladaha iyo safaaradaha ayaa si rasmi ah uga hadlay jabsiga e-visa, waxayna ka digeen in codsadayaal badan laga yaabo in xogtooda la helay.
Laakiin midkoodna dowladahaas ma xaqiijin in “60 wakiil oo sirdoon shisheeye ah ay Soomaaliya uga baxsadeen 24 saac gudahood,” mana ahan wax laga filayo. Faahfaahintaas culus waxay ku jirtaa oo kaliya oraahyo aan la magacaabin iyo warar la soo minguuriyay, balse kuma jirto bayaanada rasmiga ah ama warbixinada caalamiga ah ee lagu kalsoon yahay.
Jabsiga e-visa waxaa ku jira arrimo dhab ah oo walwal leh iyada oo aan lagu darin khayaali. Xogta shakhsiga ah ayaa laga yaabaa in la helay, kalsoonidii nidaamka cusubna way ruxantay. In la alifo bixitaan culus oo ay sameeyeen basaasiin shisheeye kama caawinayso Soomaalida ama booqdayaasha inay nabad helaan. Waxay kaliya sii hurinaysaa argagax, waxayna dhiirrigelinaysaa wararka beenta ah.
Saxaafadda mas’uuliyadda leh ee Soomaaliya waxay ka bilaabataa weydiinta su’aalo fudud ka hor inta aan la been abuurin tirooyin xasaasi ah: yaa ogaan kara arrintan, sidee ayayna ku ogaan karaan?
Xaaladda warka ku saabsan “60-ka wakiil,” jawaabta dhabta ayaa ah inaan cidna ogaan karin marka laga reebo hay’adaha sirdoonka adduunka – iyaguna ma hadlaan. Taasi waa sababta aan ugu kalsoon nahay inaan sheegno in 60 wakiil oo sirdoon shisheeye ah aysan ka cararin Soomaaliya.

