28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Mooshinkoi Jubba oo cod loo qaaday + Natiijada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaaray mooshinkii muddada badan ka yaalan qaab dhismeenka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Wararka naga soo gaaraya dhismaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in codka kalsoonida gacantaag loo sameeyay  si loo ansixiyo mooshinkii ka yaalay baarlamaanka maamulka Jubba.

Ku dhawaad 142 xildhibaan ayaa goobjog ahaa kulanka maanta, sida gudoomiye ku xigeenka baarlamanka uu ku dhawaaqay.

Waxaa ogolaaday mooshinka 132 xildhibaan, 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 kale ay ka aamuseen, sida ay inoo xaqiijiyiin xildhibaano baarlamaanka ku sugan.

Waxaa sidaas darted uu baarlamanka Soomaaliya go’aan ku gaaray in sharci daro uu yahay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Goordhow wareysi naga filo Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News