Muqdisho (Caasimada Online) – Maxxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Dable bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kaas oo lagu helay inuu dil kas ah u gaystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Eedeysanaha ayaa marxuumka u dilay kaaliya Maxaad iisoo fiirisay darteed, xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, sida ay sheegtay Maxkamaddu.
Dilka kadib Bakar Cabdicasiis ayaa ku baxsaday Mooto Fekon, balse isla maalintaasi oo ku begneyd labaatan iyo sideedii Bishii Jun ee sanadkaan waxaa degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir kasoo qabtay ciidamada ammaanka ee dowladda federaaka Soomaaliya.
Baaris Dheer kadib xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday todobo iyo labaatankii bishii july, iyada oo maanta lasoo saaray go’aanka kama dambeysta ah.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare guddoomiyeXasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqay xukunka ay riday maxkamadda.
Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis ayaa haatan haysta fursad kale oo uu racfaan ku qaadan karo muddo ku siman 30 cisho, isaga oo kadib u gubaya Maxkamadda sare ee ciidamada.
Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa dardargelisay xukunnada ka dhanka ah askarta dilalka iyo tacadiyada kale ka gaysta gudaha dalka, taas oo ay xil saaran tahay, waxaana maxkamadda ay go’aanno culus ka gaartay kiis xasaasi ah oo horay loo geeyay.
Waxaa kale Maxkamadda xukuno u badan dil iyo xabsiyo muddo dheer ah ku riddaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee soo gala gacanta Dowladda Soomaaliya.

