BANAADIR uma baahna guddoomiye lagu adeegto ee adeege isu adeege ah

Waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ku cabiro Muqdisho guddoonka caynkee ah ayay u baahan tahay iyo tilmaamaha iyo astaamaha  mudan in lagu xusho:-

1 – Waa in uu noqdaa   qof aqoon iyo tab u leh dhinaca nabadgelayda,  sidoo kalena xog ogaal u ah, xaalka dalka iyo arrimaha bulshada gobolka.

2 – Waa in uu noqdaan mid Dowladda iyo  dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir u dhaxeeya asagoo si hufnaan iyo hawlkarnimo leh  labada dhanba ula shaqaynaaya balse uusan noqon u adeege  ama laga adeegte lagu adeegto.

3 – Waa in uu noqdaa sqod dejin kara ama demin kara xalna u keeni kara dareenka Bulshadda Banaadir ay badankoodu qabaan  habdhaqanka dowladda dhexe ee ku aadan Arimaha Maqaamka  iyo metelaada gobolka. Taasoo ah in bulshada iyo dadweynaha gobolka banaadir u madax bannaanadaan xulashada iyo doorashada gobolka Banaadir.

4 – Waa in uu noqdaa nin nabaddoona xariir dhaw la leh Bulsadda qeybaheeda kala duwan dhammaantood Muxaafad iyo Mucaarad dhan walba uusan noqon shaqsi dhinac ka raran.

Haddaba dowladda dhexe waxaan usoo jeedinayaa in la joogo markii dadweynaha banaadir talada gacantooda lagu celin lahaa, iyadoo afduubka laga jirayo in dadka deegaanku iska soo xulaan guddi kaddibna gudigaasi doortaan gole deegaan, sidaasna golahaa deegaanku ku doortaan guddoomiye aan lagu magacaabin wareegto madaxweyne.

Bulshada deegaankana waxaan u sheegayaa inaysan u horran sidii xoolo dar la keenay oo ku qamaamaya biyo ee ay ka fiirsadaan masiirka bulshada ugu tirada badan gobolka ay ku dhaqan yihiin, si loo heli xal looga maarmo qof ku yimid rabitaan qofeed ama aragti kooxeed, una adeega isla kooxdaas uun.

Waa iney dadweynuhu bannaanbaxyo nabad ah oo aan dhib lahayn, halkudhigiisuna yahay madax bannaanida talada gobolka ay sameeyaan, kaddibna ay ku muujiyaan dareenkooda.

Banaadir uma baahna guddoomiye lagu adeegto ee adeege isu adeege ah

W/Q: Cabdullahi Mahdi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid