26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Banaanbaxii mucaaradka ee Sabtida oo la baajiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxii mucaaradka ee qorshaysnaa inuu Sabtida ka dhaco Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kadib markii ay dhex dhexaadin sameeyeen dowladda iyo xubnaha mucaaradka ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, taas oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa Sabtida.

Waxaa la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbax nabdoon, lagana heshiiyo goobta iyo goorta uu dhici doono, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Is-afgaradka laga gaaray xiisaddii taagneyd ee bannaanbaxa Sabtida dib loo dhigay ayaa biyo qabow ku shubay walaaca ay dadka Muqdisho ka qabeen in bannaanbaxu isu beddelo mid hubeysan oo qalalaase ka dhasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta inay ogoshahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo, si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in ay mamnuuc tahay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tikniko) iyo hubka culus. Arrintaasna waxaa si cad loogu sheegay dhammaan xubnaha madasha.

Waxaa hadda muuqata in dowladda si farsamaysan uga adkaatay mucaaradka, iyadoo damisay xiisaddii taagneyd, lagana yaabo in 9 maalmood kadib mucaaradku waayaan xamaasaddii dadka soo bixin lahayd.

- Advertisement -

Read more

Local News