Bankiga Adduunka oo malaayiin dollar oo taageero ah u ansixiyey Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Bangiga Adduunka ayaa ansixiyey malaayiin dollar oo loogu talagalay Soomaaliya, si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira dalka ee sababay xaaladaha bani’aadanimo ee kasii daraya Soomaaliya.

Lacagta uu Bangiga Adduunka u saxiixay Soomaaliya ayaa gaareysa 143 milyan oo dollar, taas kusoo aaday, xilli ay Soomaaliya u qabto baahi weyn oo ku aadan abaaraha.

Bangigu waxa uu sheegay in mashruucaan cusub uu wax ka qaban doono baahida illaa 20,000 qoys, sidoo kalena lacag kaash ah oo degdeg ah la siindoono illaa 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys oo iyagana dhaqaale ka helidoona mashruucaan.

Kristina Svensson oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeradan dhaqaale ayaa sheegtay in muhiimaddu ay tahay u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa nugul ee wajahaya cunno yarida sii kordhaysa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in sameynayaan dadaallo kasta oo lagu bad-baadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan gudaha dalka.

“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,”.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirto xaalad bani’aadanimo tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalkeenna.