26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Bankiga AfDB oo soo saaray go’aan taariikhi ah oo ku saabsan Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa si rasmi ah u meelmariyay qorshe dheeri ah oo lagu cafiyo deynta Soomaaliya, tallaabadaas oo waddada u xaaraysa in gebi ahaanba la tirtiro deymihii uu dalka ku lahaa Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) intii u dhaxeysa sannadaha 2024 ilaa 2039.

Go’aankan, oo kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya si guul leh u soo dhammaystirtay shuruudihii Barnaamijka Deyn-cafinta Waddamada Saboolka ah ee Deyntu Daashatay (HIPC), ayaa hoos u dhigi doona deynta dibadda ee Soomaaliya lagu leeyahay qiyaastii $17.68 milyan.

Tani waxay dowladda u abuureysaa fursad maaliyadeed (fiscal space) oo muhiim u ah maalgelinta adeegyada aasaasiga ah iyo mudnaan-siinta horumarka qaranka.

Barnaamijka HIPC, oo ay Kooxda Bankiga Adduunku daah-furtay sannadkii 1996-kii, ayaa ujeeddadiisu tahay in culeyska deynta laga dulqaado waddamada soo buuxiya shuruudaha adag ee hufnaanta maaliyadda iyo la-dagaallanka saboolnimada, si ay diiradda u saaraan kobaca dhaqaalaha.

Sidoo kale, sannadkii 2005, waxaa barnaamijkan lagu kabay Hindisaha Cafinta Deymaha ee Dhinacyada Badan (MDRI), kaas oo dammaanad qaaday in boqolkiiba boqol la tirtiro deymaha u qalma ee ay waddamadaas ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika.

Ansixinta deyn-cafintan cusub ayaa ka dhalatay horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha guud, maamulka maaliyadda dadweynaha, kobcinta dakhliga gudaha, iyo dowlad-wanaagga.

Waxaa intaas dheer, in dowladda Soomaaliya ay fulisay ballanqaadkeedii ku aaddanaa yareynta saboolnimada, iyadoo sare u qaadday tayada adeegyada bulshada isla markaana ballaarisay barnaamijyada daryeelka bulshada ee lagu caawiyo qoysaska nugul.

Bubacarr Sankareh, oo ah La-taliyaha Sare ee Hawlgallada Soomaaliya u qaabilsan Kooxda Bankiga, ayaa yiri: “Soomaaliya waxay guushan ku muteysatay dhabar-adeyg iyo u-hoggaansamidda shuruucda maaliyadda. Deyn-cafintani waxay albaabada u fureysaa dhismaha hay’ado dowladeed oo xooggan, adeegyo bulsho oo tayo leh, iyo rajo cusub oo u dhalata muwaadiniinta Soomaaliyeed—waana guul saameynteeda laga dareemi doono fasallada waxbarashada, rugaha caafimaadka, beeraha, iyo suuqyada ganacsiga ee dalka oo dhan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda laga filayaa inay kheyraadka soo xarooda u weeciso maalgelinta adeegyada bulshada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, iyo barnaamijyada bulshada ee daruuriga ah.

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale loo adeegsan doonaa qorista macallimiin tayo leh, biyo-gelinta, iyo soo-noolaynta nidaamka caafimaadka ee gobollada ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha. Deyn-cafintu waxay sidoo kale xoojin doontaa adkeysiga dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, tallaabadan ayaa sare u qaadi doonta sumcadda deyn-qaadasho ee Soomaaliya (creditworthiness), waxayna soo celin doontaa kalsoonidii ay hay’adaha horumarintu ku qabeen dalka, iyadoo la furayo waddooyin cusub oo lagu helo maalgelin iyo deymo fudud oo loo adeegsado dib-u-dhiska muddada fog.

Maadaama culeyskii deynta uu si weyn hoos ugu dhacay, dowladda ayaa hadda dardargelin karta qorshayaasha qaranka ee mudnaanta leh, oo uu kamid yahay Qorshaha Qaran ee Isbeddelka (National Transformation Plan – NTP-1), iyo u-guuridda nidaam ku dhisan horumar waara oo ay dowladdu hoggaamineyso, halkii laga tiirsanaan lahaa gargaarka bini’aadannimo.

Xusuusin ahaan, bishii Maarso 2020, Soomaaliya waxay si guul leh isaga bixisay deymihii raagay (arrears) ee ay ku lahayd Kooxda Bankiga, kuwaas oo lagu qiyaasay $122.6 milyan. Intaas kadib, dalku wuxuu fuliyay dib-u-habeyn ballaaran oo loogu gogol-xaarayay dhammaystirka hannaanka HIPC.

Ugu dambeyntii, guushii ay Soomaaliya ka gaartay barta kama-dambeysta ah ee HIPC bishii Disembar 2023, ayaa u dirtay farriin cad deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah—oo ay ku jiraan AfDB, IMF, iyo IDA—inay bixiyaan qaybtooda deyn-cafinta buuxda. Tani waxay wadarta guud ee deynta dibadda ee Soomaaliya ka dhigeysaa mid hoos uga soo dhacda $5.2 bilyan (sannadkii 2018) ilaa $557 milyan oo kaliya marka la dhammaystiro hannaanka cafinta.

- Advertisement -

Read more

Local News