Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta guda gashay kiis culus oo ka dhan ah laba eedeysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ugu dambeyn soo galay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) iyo Salaad Ciise Siyaad Abtidoon (Salaad Oolyo) ayaa lagu soo eedeeyay howlo basaasnimo iyo in ay gawaari u iibiyeen Al-Shabaab.
Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo oo kahor hadlay Maxkamadda Ciidanka ayaa qirtay inay la shaqeynayeen Shabaab, waxayna sheegeen in la qasbay sidoo kalena ay daruuf u gaysay.
Eedeysanaha koowaad Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ahaa basaas u xilsaanaa indho-indheynta baraha kontaroollada, iyo gudbinta xogaha muhiimka ah ee Muqdisho, isagoo la wadaagi jiray argagixisada oo u iibisay Mooto Bajaaj.
Ninkan oo ah Kirishboy hore oo isku maray Boosaaso, Dhoobley, Kismaayo, Jilib, Beledweyne iyo Muqdisho ayaa Al-Shabaab ku biiray 2024-kii, wuxuuna sheegay inuu ku tashkiiliyay nin kale oo lagu magacaabo Macallin Xariif oo ay isku xaafad ahaan jireen.
Xaaji Suuxaaye ayaa kooxda kala shaqeeyay 14 dhagar, oo ay kamid tahay sahminta kontaroollada, Kuliyadda Jaalle Siyaad, Xayle Bariise iyo suuqa Ariga lagu iibiyo ee Dayniile.
“Waxay i dheheen lacag ayaan ku siineynaa ee meelaha noo fiir fiiri anoo fiiris ku jirana waa lay soo qabtay” ayuu yiri Xaaji Suuxaaye oo kahor hadlay Maxkamadda Ciidamada.
Eedeysanaha labaad Salaad Ciise Siyaad Abtidoon (Salaad Oolyo) 58 jir ah, isla markaana ah dalaal ka macaasha iibinta dhulalka ayaa isna qirtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa iibinta baabuurta, uuna u gaday laba gaari oo ay kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda.
“Aniga laba baabuur ayaan gaday Saarifta iyo Suzoko, lafaheyga ayaan u baqay wax kalena ma aanan qaban” ayuu yiri Salaad Oolyo oo isna lagu wareystay Maxkamadda.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Gaariga waa u diyaarinayaa meel heblo noo dhig, furahana meeshaas geli kana tag ayaa lagu yiri. Labada gaari waxaan dhigay Ceelasha Biyaha.
Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute), oo sheegay in go’aanka labada eedeysane ee Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo ay dib ka shaacin doonaan.

