28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Shir ka dhan ah heshiiskii DF Somalia iyo Jubba oo ka dhacaya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beydhabo (Caasimada online) Waxaa maanta  galinka dambo lagu wadaa inuu Shir ballaaran oo ka dhan ah heshiiskii Maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya ay shalay ku gaareen Magaalada Adis-Ababa , ka dhoco Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobbolka Baay

Sida qorshuhu uu yahay kulankaas waxaa diiradda lagu saari doonaa ka doodistay Qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-Ababa kusoo idlaaday, kaas oo ay dhinacyada kulanka maanta Beydhabo ku yeelanaya ay aad uga soo horjeedaa.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galaya waxgaradka , odayaasha iyo guud ahaan bulshada kasoo jeeda magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana laga sugayaa sidii ay go’aan isku mid ah ay uga qadan lahaayeen Heshiiska Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka gobolka Baay, ahna Xoghayaha maamulkaas , Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa si cad u sheegay in beelaha ku Abtirsada Digil iyo Milifle ay sicad uga biyo diidan yihiin qodobadii kasoo baxay Shirkii Adis-Ababa ee Maamulka JUBBA iyo dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Malaaq Shiino oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Baay ayaa warbaahinya u sheegay inay siweyn uga soo horjeedaan heshiiska Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya iyo in hogaanka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo loo gacan galiyo Maamulka uu hogaan u yahay Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Adis-ababa inay yihiin kuwo aysan ku qanaxsaneyn isla markaana ay kasoo horjeedaan , isagoo sheegay in aan la tashi dadweyne arintaas lagu sameyn sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis buuxa waxay la gashay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe, kaas oo hogaan u ah gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , inakstoo ay soo baxayaan dhaliilo arintaas laga Muujinayo.

Halkaan ka dhageyso Malaaq Shiino

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News