Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelihii ka qayb galay shirka arrimaha Jubba ee shalay ku soo xirmay magaalada Muqdisho ayaa qaadacay war murtiyeedka ka soo baxay shirka, sheegeyna in maamulka Axmed Madoobe uusan matalin.
Oday Xaamid Maxamed Xuseen oo ka mid ah ergadii shirka ka qayb galay ee ka socday magalada Kismayo ayaa sheegay shirka inuu noqday mid waji kale yeeshay, sida uu hadalka u dhigay, ayna meesha soo galeen dad aan matalin beelaha Gobaladaasi dega.
‘’Waxaan la isku ogayn ayaan meesha ku aragnay taasaana keentay inaan shirka ka baxno’’ Ayuu yiri Oday Xaamud.
Waxa uu raacshay in dadka saxiixay heshiiskan ay kala ahaayeen lix qof oo uu sheegay inay horey Qas iyo dagaalo uga sameeyeen magaalada Kismayo iyo lix laga keenay magaalada oo tageersanaa Axmed Madoobe, iyadoona uu ku sheegay waxaan la qaadan Karin heshiiska Muqdisho.
Waxa uu sheegay dadka saxiixay warmurtiyeedka intooda badan inay yihiin dad aan matalin masiirka shacabka Jubbooyinka,sidaasi darteena shirka ay isaga soo baxeen Odayaashii ka socday beelaha kala ah Harti, Laylkase, Meheriiyo Awrtable.
Dhanka maamulka Jubaland ayaan weli wax war ka soo saarin saluugsiga qaar ka mide beelaha goboladaasi, waxana dhowaan idiin soo gudbin doonaa aragtida maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho