Muqdisho(Caasimada Online)- Waxaa sii badanaya dadka hor imaanayo qorshaha maamul u sameynta ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo qaban qaabadooda ay ka kala socoto degmooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado.
Beelaha daga waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay dhaliilsan yihiin qaabka loo wado qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha deegaanka Dhabad ee waqooyiga gobolka Galgaduud Aadan C/nuur Galaal Ganeey, ayaa sheegay in iyadoo aan la sameyn dib u hishiisiin la sameyn aysan ka qeyb gali doonin maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
“Sababtaan ku diidanahay waxa weeye, wax walbaa waxaa ka horeeya dib u hishiisiin oo in beelaha ay is fahmaan ayna hishiiyaan dhexdooda, maamulka waxaa dhisan kara dadka deegaanka”sidaasi ayuu yiri Aadan Ganeey.
Aragtidan waxaa sidoo kale qaba xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda waqooyiga gobolka Galgaduud, sida wararka ay sheegayaan.
Dowlada Soomaaliya, maamulka Ximan iyo Xeeb iyo masuuliyiinta maamulka Ahlu sunna ayaa wada qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]