Beelo la qorsheynayo inaan dib loo siin xildhibaanadii ay ku lahaayeen K/Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Beelaha qaar ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa la qorsheynayaa inaanan xubno laga siin Baarlamaanka labaad ee loo soo dhisi doono Maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo Arbacadii ku kulmay Magaalada Baydhabo ayaa waxay isu raaceen in tirada Baarlamaanka cusub laga dhigo 95 xubnood, halka midka uu waqtigiisu dhammaaday ay tiradoodu ahayd 149 xubnood.

Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu dhigayaa in tirada Baarlamaanka ay tahay 95 xubnood, balse waxaa tirada Baarlamaanka la kordhiyay xilligii uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ka dib markii beelaha qaar ay ku ashtakoodeen inaanay wax xubno ah ku lahayn Baarlamaanka.

Go’aankii ay Arbacadii soo saareen Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ku cad in beelihii dib looga soo daray Baarlamaankii hore aan wax xubno ah laga siin Baarlamaanka cusub, inkastoo aan arrintaasi Saxaafadda lala wadaagin.

Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxay ku doodayaan in beelahaasi aanay deegaan sax ah ku ahayn Gobolka Shabellaha Hoose, sidaasi daraadeedna aan loo baahnaynba in ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka xigga.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasii Xasan Maxamed (Lafta-gareen), si ay ugu cadeeyan mowqifkooda ku aadan inaanan beelahaasi lagu soo darin Baarlamaanka cusub.

Inkastoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhawaan sheegay in tirada Baarlamaanka cusub laga dhigi doono 95 mudane ayaan hadana sheegin in meesha laga saarayo iyo in kale xubnaha beelaha lagu tilmaamay inay dul-saar ku yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo ay macquul tahay in tiro yar xitaa beelahaasi ay ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka soo socdo, oo lagu wado in lagu soo xulo Magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha-ahaatee haddii ay guuldareystaan dadaalada lagu doonayo in beelahaasi ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxay markaasi culeys ku noqon doontaa Maamulka Madaxweyne Lafta-gareen.