Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kulan dhaqameed balaaran oo ay yeelatayBeesha Abakar oo ka mid ah beelaha Murusada .
kulankaan oo kadhacay Hotel Ramada ee magaalada Moqdishio , Oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Beesha Abakar ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay dhaqanka beel waynta Murasde.
Kulankaa oo ay ka soo qayb galeen 120 qof , aya
a waxaa uu u jeedkiisau ahaa in la soo bandhigo odayaal dhaqameedyo cusub oo ku soo biiray hogaanka beesha Abakar kuwaasi oo ay tiridooda gaareeysay 5 xumnood .
Kulanka ayaa waxa lagu sheegay in uusan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah, waxa ayna ka hadeleen inta badan odayaashii meesha ka hadlay taariikh dhaqameedka ay soo martay beesha Abakar.
Kulankan ayaa waxa ay sheegeen odayaasha ,in laga shaqaynayay muda 8 bilood ah sidii uu ku qabsoomi lahaa.
Gudoomiya golaha dhaqanka beesha Abakar Nabadoon Cabdi Macalin Maxamaduud oo meesha ka hadlay yaa waxaa uu sheegay , in uu dhaqanka u taaganyahay sidii uu ugu shaqayn lahaa danaha Abakar iyo guud ahaan tan Murusade .
Nabdoon Cabdi ayaa waxa uu sheegay in ay muhim tahay in la shaqeeya mideenta Beel waynta Murasade iyo hormarkeeda , si loogu sii gudbo danaha Somaaliyeed.
Sidoo kaleNabadoon Aadan Sheekh Nuur ( Qooje) oo ah Gudoomiya kuxigeenka goalha dhaqanka Beesha Abakar ayaa wax wax uu sheegay in uu yahay ujeedkooda sidii danaha beesha looga shaqayn lahaa , waxa uuna sheegay Qooje in uu dhaqankoodu ku saleeysanyhay shareecada islaamka.
Sidoo kale dhamaan odayaal dhaqameed yadee kale oo ka socday qeebaha gale ee Beesha Murusadsade ayaa waxa aya hanbalyeeyeen kulankaan iyaga oo sheegay in uu yahay mid kudayasha mudan, waxa ayana balan qaadeen in ay lashaqeeyaan dhaqanka Abakar ayaga oo hanbalya u diray xumnaha cusub Allana uga baryay in uu u fududeeya howshaan culus oo loo igmaday
1=Nabadoon Cabdi macalin maxamuud gudoomiyaha
2=Nabadoon AadanQooje sheekh Nuur gudoomiye ku xigeen
3 Nabadoon sheekh cali yuusuf sabariye
4 Nabadoon sheekh cali yuusuf daameey cigalle
5= Nabadoon siciid malin maxamuud kuuloow