Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani ay Beesha Caalamka ka gaabineysay la socodka xaaladaha guud ee DF Somalia tan iyo markii uu bilowday Khilaafkii ka dhexeeyay Xasan iyo C/weli Sheekh Axmed, ayaa waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in beesha caalamku aysan la dhacsaneyn hanaanka ay ku shaqeyneyso Dowlada Madaxweyne Xasan.
Beesha Caalamka oo aan la dhacsaneyn geedi socodka Siyaasada Somalia, ayaa waxa ay u muuqataa mid weli ka fekereysa tallaabadii ay kaga jawaabi laheyd magacaabidda Golaha Wasiirada, ee Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo aan weli lahorgeyn Golaha BF Somalia, kadib markii lagu soo daray wasiiro khilaaf abuur ah iyo kuwa waxqabad la’aan horey u qirtay.
Beesha Caalamka, ayaan mudooyinkaan dambe la dhacsanayn hanaanka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobe, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho, aysan weli ka hadal dhismaha Golaha Wasiirada, marka laga soo taggo Ururka IGAD, oo sheegay inay la shaqaynayaan Golaha Wasiirada.
Sida caadada ah, QM, EU-da iyo Mareykanka ayaa soo dhoweyn jiray tallaabooyinka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa hada muuqata inaysan la dhacsaneyn sida ax u socdaan.
Khubarada ku xeel-dheer saadaalinta Arrimaha Siyaasada, ayaa waxa ay Aamusnaantaani mudada qaadatay ku macneeyeen caqabad hor leh oo la soo gudboonaatay Golaha Wasiirada, ee 12-kii bishaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa garwaaqsan in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ilaa iyo iminka kasban la’ yihiin BF Somalia oo tirada ugu badan ay wacad ku martay inaysan ansixin doonin Xukuumada Cusub, taasi oo muujineysa Heerka uu maraayo Khilaaf hoosaadka ka dhextaagan Madaxda Qaranka, iyadoona Beesha Caalamka ay ka aamustay Arrimahaasi oo idil.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay si cad kaga horyimaadeen magacaabidda Golaha Wasiirada. waxa ayna noqoneysaa Caqabadii ugu horeysay oo ay la kulanto Xukuumada Cusub ka hor inta aysan u guda galin Howlaheeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

