Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayan Saraakiisha ka howlgasha Aqalka madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Safiirada Caalamka ee shalay la kulmay R/W CCC Sharmaarke ay Ra’isul wasaaraha dalka uga digeen inuu la imaado Xukuumad u muuqaal eg Xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.
Wakiilada ayaa waxaa la sheegayaa in sidoo kale ay R/W CCC ku wargaliyeen inay muhiim tahay inuu la imaado Xukuumad gabi ahaanba aan kamid aheyn garabyadii uu Khilaafka u dhexeeyay waxa ayna carabka ku dhufteen in Somalia ay kasii baxeyso xiligii ay taagnaan jirtay.
Waxa ay tusaale ugu soo qaaten qaabka loola dagaalamay Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed oo ay ku kaceen Mucaarad taageersanaa Madaxweyne Xassan Sheekh, islamarkaana ay suuragal noqon karto in isagana uu yeesho mucaarad kuwaasi lamid ah maadaama ay weli joogan Ragii riday C/weli iyo Shirdoon.
Dhanka kale, Haddalada Wakiilada ayaa ahaa kuwa u muuqanaayay in R/W CCC ay uga digayaan in Xukuumadiisa ay kasoo dhex muuqdaan Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweyne Xassan islamarkaana ka shaqeeyay riditaanka Xukuumada C/weli.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]