28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Beesha caalamka oo Xasan Sheikh kala hadashay saddex arrrin oo muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somalia uu u dhexeeyay Madaxweynaha dalka iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan Xubnahaasi uga warbixiyay qaabka ay DF Somalia u gudaneyso waajibaadkeeda, iyadoona su’aalo kala duwan laga weydiiyay Khilaafka hordhaca ah ee kala dhexeeya R/W CCC.

Sidoo kale, inta uu kulanka socday ayaa waxa ay Xubnaha Xassan sheikh kala hadleen Seddex arrin oo muhiim ahayd waxaana kamid ah:-

1-Inuu ka gaabsado faragalinta hoose oo ay ku hayaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

2-In Arrimaha Xukuumada cusub loo madaxbaneeyo R/W CCC, islamarkaana xor looga dhigo dhismaha Xukuumadiisa.

3-In Wakhtiga u harsan DF Somalia ay ka faa’iideysato, islamarkaana soo dedejiso magacaabista.

Dhanka kale, Kulankaani ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaano ka tirsanaa BF ay QM u gudbiyeen Warqado dacwad ah oo ay ka qoreen heerka Khilaafka Xassan iyo Cumar Cabdirashiid, iyadoona warqadaasi lagu hardhay qoraalo la sheegay in looga hadlay Hamiga madaxweynaha ee ku aadan cunaqabateynta R/W CCC.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News