25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku socota V/Somalia & BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo maanta kasoo baxay Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka marnaba aysan u dulqaadan doonin in faragalin lagu sameeyo heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in QM ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ka dalbaneyso inay meelmariyaan Heshiiska hanaanka doorashooyinka ee Dalka Somalia oo dhawaan Ra’isul Wasaaraha Somalia uu horgeeyay Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inaan loo dulqaadan dooonin in BFS ay carqaladeeyan Heshiisyadii horay loo wada gaaray, waxaana sidoo kale BFS la faray in si dhaqsi ah ay u ansixiyaan qodobadii ka soo baxay Shirarka Madasha Wadatashiga, kuwaasi oo la doonayo in lagu soo dhiso Dowladda Cusub ee soo socota dabayaaqada Sanadkan 2016.

Qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka ayaa kulan looga hadlayay doorashooyinka soo socda waxaa Magaalada Muqdisho ay kula qaateen Madaxda fulinta iyo Hogaanka Baarlamanka Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku tilmaamay meelmarinta qodobada horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka mid ku xiran mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

Michael Keating, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Villa Somalia ay qeyb ka tahay dadka ay fariintaani khuseyso.

Docda kale, Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin taageerida doorashooyinka la filayo in dabayaaqada sanadkaan 2016-ka lagu qabto Dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News