26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Beesha Cali Saleebaan oo dalbatay in dib loogu laabto qaab dhismeedka Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Beelaha Cali Saleebaan, oo shir laba maalmood socday ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland.

Shirka oo dhacay 15-16 Nofeembar 2025, ayna ka qaybgaleen Isimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad kale, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka Cal-Miskaad uu u daba dheeraaday “wadashaqayn la’aanta xukuumada Federaalka ah iyo tan Puntland.”

War-saxaafadeedka kasoo baxay beelaha ayaa lagu xusay in heshiiskii bulsho ee Puntland lagu dhisay 1998-dii uu asiibay “dil-dilaac siyaasadeed oo saameeyay qaab dhismeedkii dastuuriga ahaa.”

Sidaa darteed, bayaanka ayaa lagu yiri: “Shirku wuxuu isla gartay in la joogo wakhtigii dib u eegis lagu samayn lahaa qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland, arrintaas oo ay horay usoo jeediyeen isimada Puntland.”

Shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in Puntland ay “soo ceshato kaalinteedii hormuudnimo ee dowlad dhiska Soomaaliya, sidoo kalena ilaaliso kaalinteedii midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed”.

Arrimaha dagaalka Cal-Miskaad

Mar uu shirku ka hadlay xaaladda dagaalka Cal-Miskaad, wuxuu si kulul uga digay in la siyaasadeeyo hawlgallada socda.

“Shirku wuxuu ku baaqayaa inaan la siyaasadayn hawlgalka ciidamada oo aan lagu dhawaaqin guul aan wakhtigeedii weli la gaarin, si aan baylah loogu noqon khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beelaha Cali Saleebaan waxay sidoo kale garawsadeen in dagaalka oo daba dheeraaday ay sabab u tahay iskaashi la’aanta u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo tan Puntland.

Inkastoo ay walaacaas muujiyeen, haddana shirku wuxuu “si buuxda u taageerayaa naf-hurinimada ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland,” wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo dadweynaha reer Puntland ee taageerada muujiyay. Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la “yagleelo sanduuqa Horumarinta Cal-Miskaad.”

Go’aano kale

Ugu dambayn, shirka waxaa la isku raacay in dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada Boosaaso, lagu qabto “Shirweyne ay isugu imaanayaan Qaybaha kala duwan beelaha Cali Saleebaan bisha January.”

Waxaa kale oo shirku “si mug iyo miisaan leh u taageerayaa dhismaha wadada Dhaadaar iyo Boosaaso.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiiran

- Advertisement -

Read more

Local News