Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Beesha Muddulood oo shirweyn isugu yimid ayaa ka hadlay maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo xaalad bilow ah ku jira kadib markii goboladii kale ay maamulo kumeelgaara sameysteen.
Beesha Muddulood ayaa qoraal ay ka soo saartay shirkaasi soo jeedisay in la dhiso:
Maamul Goboleedka Banaadir State oo caasimada Muqdisho ku jirto
Maamul Goboleed ay ka kooban Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Guddi ka kooban oo beeshan ka tirsan ayaa lagu magacaabay shirkii maanta inay dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe kala xaajoodaan beelaha kale, waxayna magacyada xubnahaasi kala yihiin:
Cali Maxamed Geedi
Ismaaciil Macalin Muuse
Sheekh Muudey Gacal
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]