Muqdisho (Caasimada Online) – Boot Cabdala Magan, oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo Jeeda beesha Sade, ayaa sheegay inay ka beel ahaan kasoo horjeedaan Heshiiska Shirkii Adis-Ababa .
Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududatay heshiiskaas , isla-markana uu kala qeybinaya wadajirka iyo walaalnimada bulshada wada degta gobolda Jubbooyinka iyo Gedo sida uu sheegay.
Magan, wuxuu sheegay in Beesha Sade aysan qaadaneyn wax aan u qalmin , waxaana uu carabka ku dhuftay inay ka beel ahaan bad baadsanayaan sharaftooda sida uu sheegay taasin aysan cidna uga hibeysaneyn.
Wuxuu sheegay inuu ku baaqayo inay muhiim tahay in Beelaha Digil iyo Milifle lagu dhiira galiyo laguna taageero Go’aanka ay ka qaatee dowlada Soomaaliya ka beel ahaana ay soo dhaweynayaan.
Markii Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray Kismaayo ayuu sheegay inuu kala soo kulmay sharaf xumo iyo soo dhaweyn la’aan ,sida uu hadalka u dhigay Kismaayana ay awooda ugu badan ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.
Sababta dowlada Soomaaliya ay u aqbashay maamulka Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inay la yaaban yihiini ilaa iminka , isagoo ku sheegay in arintaas lagu dag dagay go’aan ka qaadashedeeda.
Wuxuu ku baaqay in si dag dag ah loo qabto shirweyne looga Soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo Heshiiskii Adis-Ababa kaas oo ay kasoo qeyb galayaan dhamaan dhinacyadii uu saameeyay heshiiskaas.
Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmeysa beelo dega gobolada Koonfureed ee Soomaaliya , kuwaas oo saluugsan qaabkii uu kusoo idlaaday Shirkii Adis-Ababa iyo go’aanadii kasoo baxay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho