Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle, ayaa sheegaya in Sii haayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia C/llahi Goodax Barre uu niyad jab kala kulmay Odayaasha Beesha.
Mid kamid ah Siyaasiyiinta oo sababa jira awgeed uga gaabsaday magaciisa, ayaa sheegay in ku dhawaad Seddex kulan oo dhexmaray Goodax Barre iyo Odayaasha uu kusoo idlaaday Fashil kadib markii ay ku gacanseeren inuu u matalo xilka Beesha ee Xukuumada Cusub.
Sidoo kale, Siyaasiga ayaa sheegay in Odayaasha Beesha ay wataan ilaa Laba ruux oo ay qorsheeyen inay u matalaan Xukuumada, sidaa awgeedna uu qadka uga baxay C/lahi Goodax.
Kulan Afar asbuuc ka hor dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Odayaasha ayaa waxa ay isla go’aamiyeen in Odayaasha ay la imaadan shaqsiga u matali lahaa Xukuumada Cusub, waana tan keentay in C/llahi Goodax Barre uu ku waayo rajadii uu ka lahaa Xukuumada cusub.
Lama Oga shaqsiyaadka ay kala yihiin labada Siyaasi oo ay wataan Odayaasha inkastoo midi loo badinaayo inuu yahay Sambaloolshe oo ay caqabad ka heysato dhanka BF.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]