Sawirro: Golaha shacabka oo si aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyey xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyey afhayeenka golaha shacabka  Sheekh Aadan Madoobe oo ay haereero fadhiyeen labadiisa ku xigeen.

Inta uusan bilaaban kulanka waxaa buuq sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taas oo keentay inay baaqato hadal jeedintii hore ee uu saameyn lahaa ra’iisul wasaaraha.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah u qaaday meel-marinta xukuumadda cusub, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyey 229 xildhibaan, halka ay diideen 7 xildhibaan , sidoo kale waxaa ka aamusay 1 mudane, sida uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dhaariyey golaha wasiirada Soomaaliya, ayada oo uu munaasabadda dhaarinta uu goobjoog ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza Cabdi oo ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa u mahadceliyey xildhibaanada, wuxuuna sheegay in ay ka shqeyn doonaan horumrinta dalka.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay walaacii laga qabay in ay diidmo ka keenaan dhismaha xukuumadda qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, taas oo maalmihii dambe aad usoo shaac baxaysay, kadib markii siyaasyiinta qaar ay dhaliileen qaabka uu wax u soo dhisay ra’iisul wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad doortay xilka madaxweynaha.