Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Mas’uuliyiinta loo yeeray ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Cabdikariin Xasan Ashkir iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Kulanka oo ay guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira sharciga dad-dhigista iyo tirikoobka xaaladaha madaniga ahm
Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa laga codsaday inay bixiyaan faah-faahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan qodobada sharcigaas iyo sidoo kale inay ka jawaabaan su’aalo iyo talooyin ay xubnaha guddiga ka keeneen sharciga dad-dhigista.
Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiir ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee la socday ayaa si mid mid ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii iyo faah-faahinta dheeraadka ah ee ay xubnaha guddigu uga baahdeen sharciga dad-dhigista iyo tirikoobka xaaladaha madaniga ah.
Dhinaca kale, isla maanta waxaa xarunta guddoonka iyo guddiyaea ee Vulla Hargeysa ka dhacay kulan ay yeesheen guddiyada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga iyo sidoo kale guddiga garsoorka caddaaladda awqaafta iyo arimaha diinta ee Golaha Shacabka.
Kulankan ayaa waxaa si wadajira u shir ah u guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin iyo guddoomiyaha gudiga garsoorka, caddaaladda awqaafta iyo arimaha diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
Kulankan ayaa labada guddi waxa ay wax iska weydiiyeen heshiisyada iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka islamarkaana u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo akhrinta koowaad ka soo gudbay islamarkaana sugaya akhrinta labaad si ay xildhibaanadda golaha uga doodaan.
Intaasi kadib labada guddi oo ka dooday qodobada heshiisyadan ayaa isku raacay in ay kulan la qaataan wasaaraddaha cadaaladda iyo arrimaha dastuurka.
Sidoo kale waxaa la isku raacay in loo yeero mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, si su’aallo looga weydiyo qodobada qaar ee ku jira heshiisyada.
Labada guddi ay hoosta ka xariiqay muhiimadda in si dhab ah loo dul istaago qodabada heshiisyadaasi ku qoran, iyaga oo ku ballamay in kulamada ay sii socdaan, isla markaana labada wasaaradna sida ugu dhaqsiyaha badan loogu yeero.
















