Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu goordhow galay xarunta Baarlamaanka, waxaana lasoo warinayaa in sidoo kale Xarunta ay ku sugan yihiin Tiro Wasiiro ah iyo Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Somaliya C/raxmaan Tuur yare oo hortagay Baarlamaanka Somalia.
Waxaa hadda si rasmi ah u furmay shirka waxa ayna Xildhibaanadu Su’aalo weydiinayaan Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Taliyaha NISA.
Kulanka hada socda ayaa u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid, Taliyaha Nabad Suggida iyo Xubnaha Baarlamaanka Somalia, xitaa waxaa xarunta Golaha shacabka laga soo saaray Shaqaalaha Baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa xarunta banaan joog ka ah Wariyayaasha ka kala socda Idaacadaha, Telefeshinada kuwaasi oo laga mamnuucay inay goobjoog ka ahaadan kulanka, waxaana qorshaha looga saaray Xarunta watay Ra’isul wasaaraha dalka.
Xildhibaan Sandheere oo kamid ah Mudanayaasha BFS banaanka Xarunta kula hadlay Wariyayaasha ayaa sheegay in qiyaano ay tahay in kulanka banaanka looga saaro Saxaafada.
Sandheere waxa uu sheegay in waxa laga hadlaayo uu yahay amaanka dalka loona baahan yahay in Wariyayaasha ay goobjoog ka ahaadan.
Dhanka kale, Xildhibaanka waxa uu sheegay in Taliyayaasha laamaha amaanka ay ku fashilmeen amniga, loona baahan yahay in lasoo bandhigo fashilkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]