Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u furmay Baarlamaanka Soomaaliya oo xirnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira xiisad culus oo soo kala dhex-gashay qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoomiye Aadan Madoobe.
Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka sare, waxayna taasi keentay in xildhibaannadu ay iyaguna mooshin xilka qaadis ah ka keenaan Sheekh Aadan Madoobe.
Xiisadda ayaa xalay weji cusub yeelatay, kadib markii guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.
Intaasi kadib xildhibaannada mooshinka keenay oo kor u dhaafaya 100 mudane ayaa iyaguna shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in aanay ku qancin tallaabada uu qaaday guddoomiyaha, ayna sii wadaan mooshinka ay wadaan ee xilka qaadista ah.
Waxaa kale oo ay xildhibaannadu cadeeyeen in guddoomiye Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.
Arrintan ayaa culeys ku ah Aadan Madoobe oo haatan wajahaya xaalad adag, laakiin waxay wax kasta ku xiran yihiin furitaanka Baarlamaanka iyo tallaabada ay qaadaan xildhibaannnada.
Jawiga Baarlamaanka ee maanta ayaa kacsan, waxaana muuqaallada ka imaanaya Villa Hargeysa ay muujinayaan in buuq iyo sawaxan uu ka jiro hoolka Baarlamaanka.
Xaaladda adag ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xildhibaannada ay hortaallo shaqo culus oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Kalfadhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.