Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeehay magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ay horay usoo meel mariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.
Heshiisikan oo wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ay u gudbisay Baarlamaanka ayaa waxaa ogolaaday145 Xildhibaan, sidoo kale hal Xildhibaan oo kaliya ayaa diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
“Kooramkeenna wuxuu 146 hal xildhibaan ayaa ka aamusay, ma jiro wax diiday, 145 waa ogolaadeen, sidaas daraadeed sharciga waa ansax ayuu yiri Aadan Madoobe.
Intaas kadib wasiirka ganacsiga Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay meel-marinta heshiiskan, isaga oo tilmaamay inuu muhiim u yahay dalka.
Heshiiskan oo ay wada gaareen illaa 55 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiska ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah.
Sidoo kale Ujeedka aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah.
Waxaa kale oo diiradda saarayaa in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.
Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo.

