Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka kasoo baxaaya Xarunta Baarlamaanka Somalia ee uu kulanka uga socdo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, Wasiiro, Taliyaha NISA iyo Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegaya in kulanka uu ka taagan yahay is fahan’waa, kadib markii Xildhibaanada ay sheegen inaysan ku qancin Jawaabaha ay bixinayaan Sharmaarke iyo Taliyaha NISA.
Xildhibaanada BF oo dhageysanaaya Jawaabaha Sharmaarke iyo Tuuryare, ayaa cod dheer ku sheegay inaysan ku qanceynin Jawaabaha, waxa ayna ku qeyla dhaaminayaan in Jawaabo fiican laga bixiyo Su’aalahooda.
Mid kamid ah Xildhibaanada oo u waramaayay Caasimada Online, ayaa sheegay in Sharmaarke uu difaacayo Taliyaha NISA, balse aysan marmarsiyo aqbaleynin, waxa uuna farta ku goday in Xildhibaanadu ay yihiin kuwa aaminsan in Sharmaarke iyo Tuuryare uusan farqi u dhaxeyn.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Sharmaarke qudhiisa uu ku hor fadeexooway Baarlamaanka islamarkaana la dareensiiyay in shaqsi ahaantiisa uu fashilan yahay.
Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Su’aalahooda aan si waafi ah looga jawaabin, waxa uuna cadeeyay in Sharmaarke uu yahay mid uu soo wakiishay Madaxweynaha Somalia, hayeeshee sinaba aysan ku aqbali doonin in la fududeysto xaalada amni darro ee iminka ka taagan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha qudhiisa uu ku fashilmay mas’uuliyadii loo dhiibtay, waxa uuna cadeeyay in isaga xitaa ay iminka ku dhagan yihiin.
Xildhibaanada qaar ayaa lasoo warinayaa inay ku oriyeen Taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare oo la aaminsan yahay inuu ku fashilmay xaqiijinta amniga.
Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa ku sigtay in Khudbada Tuuryare ay uga baxaan Howlka balse Gudoonka sare ee BFS ayaa diiday in Howlka laga baxo.
Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka iminka ka socda Xarunta Baarlamaanka waxa ayna wariyayaashu yihiin kuwo hordhooban Baarlamaanka oo jawaab sugayaal ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]