Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BFS ayaa ku eedeeyay Gudoonka golaha Shacabka in ay faragelin toosa ku hayaan Laanta Fulinta, isla markaana ay baajiyeen kulamadii Baarlamaanka Somalia.
Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in ay wiiqantay Awoodii Golaha Shacabka ,isla markaana Guddoonka Baarlamaanka ay dayaceen Shaqadooda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa ayay Xildhibaanada ku eedeeyen inay faragalin muuqata ku hayaan Howlaha Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.
Xildhibaanada waxa ay sheegen in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa ay ka weecdeen shaqooyinka loo igmaday ee ku qeexan Dastuurka kadib markii ay qeyb ka noqdeen xulista Golaha Wasiirada ee aan loo igman.
Haddaba Qoraal kasoo baxay Xildhibaanada ayaa looga digay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa waxa uuna qoraalkaasi u qornaa sida tan:
HALKAAN KA AKHRISO
Anagoo ah xubnaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah u saxiixan soo jeedintan:
Markii aanu aragnay awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad iyo qodobka 90aad, faqradiisa(d & e).
Markii aanu aragnay awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah iyo guud ahaan laanta fulinta sida ku cad qodobka 100aad, faqradiisa (a,b,c & d).
Markii aanu u kuur galnay caqabadihii iyo dhibaatooyinkii la soo darsay dowladihii dalkasoo maray intii u dhaxeysay sanadihii 2000-2016kii.
Markii aanu darisnay sababaha u qabsoomi waayeen kulamada Golaha Shacabka, iyadoo weliba dalka ku jiro xaalado adag oo isugu jira abaaro iyo nabadgelyo xumo.
Waxaa noo cadaatay in dhibaatooyinka iyo caqabadaha shaqo ee dowliga ay sababeen:
1-Isku milan awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee golayaasha baarlamaanka iyo laanta fulinta.
2-Takri fal awoodeed oo wiiqay habsami u socodka shaqada Golaha Shacabka, iyadoo kulamada baarlamaanka markii la rabo la joojiyo markii la rabona la qabto.
Hadaba, anagoo ah Xubnaha Golaha Shacabka ee ku saxiixan soo Jeedintan, waxaan ku tala bixinaynaa:
1-In dhismaha xukuumadda loo daayo cida dasatuurka xaqa u siinaayo si loo dhawro kala qaybsanaanta awoodaha siyaasadeed ee is dheelli tiraya iyo kala dambeynta hannaanka dowliga ah.
2-In Guddoonka Golaha Shacabka ka daayaan faragelinta siyaasadeed dhismaha dowladda cusub, kuna ekaadaan doorkooda dastuuriga ah.
3-In hay’ad walba oo dastuuri ah iyo madaxdeeda ku ekaadaan waajibaadka qaran iyo mas’uuliyadda uu dastuurku siinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]