Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo muhiim ah ka bilaabay magaaladaasi, kuwaas oo uu la yeelanayo safiirrada dalalka caalamka.
Biixi ayaa Nairobi kula shiray safiirrada dalalka Soomaaliya xiriir dhow la leh, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka iyo sii wadida taageeradooda joogtada ah.
Inta uu socday ayaa waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa danjireyaasha uu la kulmay uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, maadaama la sameeyay horumar dhinac kasta ah, gaar ahaan ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.
Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay Dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.
Dhankooda safiirrada beesha caalamka ee kulanka ka qayb-galay bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta, kadib guushii weyneyd ee laga gaaray barnaamijka deyn cafinta.
Sidoo kale waxa ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhaqaale oo waara.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa Nairobi u tegay ka qayb-galka shir socday muddo Shan maalmood ah oo u dhaxeeyay Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaas oo lasoo gabagabeeyay.
Shirkaas oo ahaa hannaanka dib-u-eegista 4-aad kadib deyn-cafintii Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhaqaale ee u dhaxaysa Dowladda Soomaaliya iyo IMF, iyada oo si gaar ah looga wada hadlay horumarka laga gaaray dib-u-habeynta Maaliyadda, Casriyeynta hannanka dakhli uruurinta, maamul wanaagga maaliyadda iyo ka wada shaqeynta horumarinta dhaqaalaha iyada oo la maalgalinayo wax-soosaarka dalka.

