BOOBKA NAGA DAAYA, BANADIR WAA STATE

La iskuma hayo in ay tahay caasimaddii dalka, hoygii umadda , xaruntii midnimada iyo gogoshii qaranka oo Somaliweyn oo idil fadhiga u ahayd. Muqdisho waa magaala madaxdii dalka waxeyna ka mid tahay maamulka Gobolka Banaadir oo isaguna ka mid ah 18 kii gobol ee Soomaaliya lahayd waqtigii nabadda.

Sidaasoo ay tahay Muqdisho maahan goob maran oo aan dad lahayn. Dhulkana sidiisaba ilaahey baa ku beeray aadanaha, wuxuu u samaysan in Bini aadamku nolol ku helo, waayo manaafcaadka ka buuxa oo dhan waxaa ilaahey u sameeyey bini aadam waana goobta la isku imtixaamo ee ilaahey umaddiisa ku kala saaro kan wanaagsan iyo kan xunba.

Abwaan Cabdulle Raage ayaa laga hayaa Dhulkaan Dadkoo Dhan Woow Dhaxeys, Dhiishaase Ninba Meel Dhigtaa!

Nidaamka dowladnimada oo dadka Soomaaliyeed muddo aad u yar heystaan, waxa ay soo bilaabatay dagaalkii labaad ee dunida ka dib. Xilligaas ka hor Soomaalidu waxey u kala noolaan jireen oo ay lahaayeen maamulo iyo boqortooyoyin ku dhisan qabiilo degaano isku go’an deggan. Qabiil walbana meel gooni ah ayuu kaga noolaa.

Dagaallo ku saleysan soohdimo, daaqsin iyo xoolaba ku salaysan ayaa ku badnaa umadda dhexdeeda waxeyna gobolada qaar ka yeeshay kuwa kala dhantaallan oo aan marna laysugu keeni karin goob. Tusaale ahaan Federalka, sida haatanba ka taagan Mudug oo laba loo qeybiyey.

Xorriyaddii ka dib oo dalka madax looga dhigay rag Talyaanigu soo tababarayey muddo 10 sano ah oo Qaramada Midoobay u dirtay in dowladnimo la gaarsiiyo Soomaalida, ka hor xilkaas waxaa hayey Talyaaniga tobankaas sano ee tababarka madaxda dalka hoggaamin doonta uu socoday.

Muqdisho oo ah magaalo istraatiiji ah oo bad iyo berriba dalka u aheyd udub dhexaad laakin ay dad gaar ah degaan u leeyihin ayaa caasimaddii dalka noqotay. Taana macnaheedu maahan haddii deegaankaadu hormaro, inuu farahaada ka baxayo. Soomaalida oo reer miyi u badan darteed ayaa Muqdisho ka dhigtay goobta kali ah ee magaalo u aheyd dalka, Waxaan ula jeedaa, iney aheyd goobta kaliya ee laga bixiyo teesataha aqoonsiga muwaadinka (ID Card) muddo aad u dheer.

Taas waxey sababtay in Muqdisho caasimadnimo ka sokow ay umaddii oo dhan u aragtay Jannadii dalka oo ayadii lagu soo wada xoomay, waxaana dhihi karaa waa hagar uu kacaankii dalku u geystay magaalooyin badan oo Soomaaliyeed. Waana sababta dhiigga badani ugu daatay oo ilaa maanta nin gobol kale oo Soomaaliya ka mid ah maamul Federal usoo sameystay, uu wali u arko in Muqdisho ay wax ku dhaafayaan.

Waa tan keentay ilaa waqtigan casriga ah iney dadku moodaan in mashruuc wayn ay ku seegayaan Muqdisho oo cid walbo maanta Federalkeeda dood gelineyso, Aan kaftanee malaha teesaraha laga bixin doono Muqdisho kaliya ayuu ka welwel qabaa. Waa gobollo badan oo Muqdisho ka kheyraad badan.

Haddaan sii faahfaahiyo aragtideyda maanta Muqdisho waxey tahay caasimaddii Soomaaliya ee dadka u dhexeysay, haddiise Federal yimaado Muqdisho waa Banaadir, Banaadirna waa Gobol ka mid ah 16 ka gobol ee Soomaaliya, dad ayuuna yeelanayaa aayaihiisa ka taliya.

Sida caasimaddii labaad, saddexaad iyo afaraad ee Soomaaliya ay maamullo u yeesheen gaar ah, ayey Muqdisho u leedahay xaq. Waxaan ula jeedaa Hargeysa, Kismaayo iyo Baydhabo sida u kala horeeeyen waa ku xigeenadii Muqdisho. Maxay kula tahay ay Muqdisho uga hari karto ku xugeenadeedii?.

Gobolka Banaadir waa gobolka ugu degmooyinka badan dalka, wuxuu leeyahay barri iyo bad, wuxuu heystaa nooc kasta oo wax soo saar ah, sida miyiga oo xoolo iyo beeraba leh iyo baddaas kheyraadku ka buuxo.

Haddaba doodda ah haddii Muqdisho reer gaar ahi sheegto, xaggee baa dadka u dhexeyn doonta oo caasimaddii dalka noqon doonta, xaggeese Federalka laga xukumayaa?

Jawaabtaasi waa mid sahlan, inaga ayaa dhego iyo indho la’ mooyee, haddii aanu wax maqli laheyn waxna aqrin laheyn dooddan aan macnaha laheyn tamar badan kuma bixiseen!

Nidaamka Federaalka dalal badan ayuu ka jiraa dunida, tusaale ugu fudud haddaan ku siiyo waddanka Mareykanka waxaa dowladdiisu tahay Federaal, waana 50 gobol ama ( states) ay ku jirto gobolka Virginia iyo Maryland. Waxaa labadan Gobol xudduudooda dhacda Washington DC oo ah magaala madaxda Mareykanka, oo aan toona ka mid aheyn gobolada Federalka dalkaas, Sidoo kale meel gaar ah oo Banadir state iyo Muqdisho ka mid ah ayaa gooni Xukuumadda dhexe u degi kartaa.

Isbarbardhiggeygu maahan labada dal, ee waxaan sharxayaa federaalka iyo dooddeena caasimadda dalka.

Mareykanka waxaa dowladda dhexe ay deggan tahay Washington DC oo ku dhex taalla gudaha gobolka Maryland, dhinacana ku heysa Virginia State laakiin si dalka oo dhan goobta laga xukumo aysan gobol gaar ah u hoos tagin, ayaa waxaa madax bannaani aan federalka hoos tagin la siiyey halka la yiraahdo District Colombia ama aad u taqaanaan Washington DC; waa degmada uu ku yaallo Aqalka Cad ee dalkaas laga xukumo, mana hoos tago wax federal ah oo waa goob u dhexeysa dhamaan gobolada Federaalka ee dalkaas.

Sidaa darteed Dastuurka Soomaaliya Qodobka 9-aad wuxuu qorayaa Sharci gaar ayaa caasimaddu yeelaneysaa. Waa run laakin dooddeenu waxey caddeyneysaa inaanan fahmin macnaha qodobkaas. Waayo Muqdisho iyo Banaadir toona Sharcigu ma diidin iney State noqdaan oo Federal noqdaan, laakin dowladda ayaa u baahan goob ka madax bannaan Federalka oo Muqdisho ka mid ah oo ay dalka ka xukunto, taana cidna iskuma heyso. Waana mid aan ku talinaayo in Muqdisho ay Banadir State noqoto sida kuxigeenadeedii Hargeysa, Kismaayo iyo Baydhaba noqdeen.

Codka dadweynaha gobolka Banaadir oo la xushmeeyaa waxaa lagu gaarayaa qarranimo. Maalinta ay dhacdo in afka la qabto sida hore u dhacdayba waanu la wada soconaa wixii ka dhashay, oo waxey yaqaanaan sida loo sabro, qofka sabarka badanna markuu caroodo lama celin karo,

Waxaan ku soo afjarayaa aragtideyda in loo daayo aayaha Banadir dadka deegaanka oo dood aan la gelin iney is maamulaan Dowladda ha yeelato sida District Colombia oo kale goob ay dalka ka xukunto. Waana xeerka gaarka ah ee dastuurku qeexay Boobka Naga Daaya, Banaadir Waa State.

W/Q: Yusuf Shuqale

Yhamari@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia.