26.1 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Booliska Muqdisho oo gudaha u galay xarun qarsoodi ah oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska oo kaashanaya Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa maanta gudaha u galay xarun caafimaad oo qarsoodi ah, kuna taallay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, taas oo ka shaqeyneysay arrimo halis ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in guri ku yaalla xaafad ka mid ah Dayniile ay ogaadeen in ilmaha looga soo rido haweenka uurka leh, isla markaana albaabada la’isugu dhuftay, lana soo xiray dadkii lahaa.

“Waa guri loo furtay in ilmaha looga soo rido haweenka ma oran karno dhaqtar, sababtoo ah xaddigii bani’aadanimo waa la dhaafay” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaruntan ay lahayd magacyo badan, isla markaana ay ka shaqeyneysay dhibaateynta bulshada, gaar ahaan in lasoo rido oo la dilo ilmaha uurka ku jira.

‘Xaruntan boqol magac ayay leedahay Facebook ayaaba loo sameystay, waxaana uu qoran waxaan diyaar u nahay inaan ka caawino haddii aad rabto inaad ilmaha iska soo rido in iyadaas la xayeysiiyo waa dambi in ilma lasoo ridaana waa dambi xag Ilaahey” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in lasoo xiray ninkii ku shaqeynayay xaruntaas, loona gudbiyay C.I.D, si loogu sameeyo baaritaanno dheeraad ah.

“Ninkii meeshaan ka shaqeynaayay hadda waa xiran waxaa baaris ku haysa C.I.D, sida aad aragteen maxbuuska, gurigaan ayuuna ku shaqeynayay” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Dhankiisa Xog-hayaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Maxamed Maxamuud Cadow ayaa yiri “Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka wuxuu u taaganyahay Badbaadada Ummadda Soomaaliyeed xarun caafimaad sheegan karta oo dalka ka howlgali karta ma jirto iyadoon Golaha warqad ka heysan”.

- Advertisement -

Read more

Local News